Warbixin ka imanaysa Spain ayaa soo bandhigay wax lala yaabo oo ku saabsan tababaraha kooxda Real Madrid, Xabi Alonso, ka hor ciyaarta Clasico ee la filayo Axadda fiidnimo, oo ay la ciyaari doonaan Barcelona.
Garoonka “Santiago Bernabéu” ayaa martigelin doona ciyaarta u dhaxaysa Real Madrid iyo Barcelona, oo ah ciyaarta ugu sareysa wareega 10-aad ee horyaalka Spain, xilli ciyaareedka 2025/26.
Wargeyska Isbaanishka ah ee “Mundo Deportivo” ayaa sheegay in Xabi Alonso uu berri ciyaari doono Clasico-giisii ugu horreeyay isagoo ah tababaraha Real Madrid, taasoo ah dhacdo muhiim u ah tababare kasta, balse ka sii muhiimsan Isbaanishkan.
Sababta arrintan ayaa lagu sheegay inay la xiriirto warar afka ah oo maalmo ka hor ka soo baxay Real Madrid, kuwaasoo tilmaamaya in mustaqbalka Alonso uu halis ku jiro ciyaarta Clasico.
Warbixintu waxay sheegtay in Alonso uu bilaabay inuu lumiyo kalsoonida taageerayaasha iyo maamulka sare ee Real Madrid muddadii gaaban ee uu kooxda hogaaminayay, tan iyo markii uu ka dhaxlay Carlo Ancelotti.
Sidoo kale, xaaladdu waxay bilaabatay ka dib markii Real Madrid ay ka badisay Atletico Madrid 5-2 ciyaartii derby-ga, taasoo Alonso ay ka bilaabatay inuu lumiyo qayb ka mid ah kalsoonidiisa, iyadoo Real Madrid aysan u ciyaarin sida la filayay markii uu xilka la wareegay.
Be the first to comment