Lautaro Martínez Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Barcelona.

Weeraryahanka kooxda Inter Lautaro Martinez ayaa sheegtay inuu had iyo jeer isku dayo inuu boqolkiiba 110 siiyo kooxda Inter Milan xilli lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Lautaro ayaa ciyaaray 31 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, waxana uu dhaliyay 13 gool halka uu 5 caawiye ka xilli ciyaareedkiisii ​​labaad ee Nerazzurri.

Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Barcelona kuwaas oo lagu soo waramaya in ay bixinayaan lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa laakiin Lautaro ayaa ku adkaysanaya in uu wax walba u samaynayo kooxda Inter Milan.

“Waxaan ahay wiil marwalba dagaallama,” ayuu xiddiga reer Argentine u sheegay barnaamijka ciyaarta kulanka Fiorentina.

“Sababta ayaana ah u jeedkayga, kuwa kooxda iyo farxada taageerayaasha”.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa kor u qaaday dadaalkiisa isaga oo Inter Milan u buuxiyay booskii uu baneeyay xiddiga Mauro Icardi, kaasoo xagaagii hore ka tagay Nerazzurri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*