Lampard Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim Ah Oo Kooxdiisa Ka Maqnaan Doona Kulanka Leicester City.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ka maqnaan doono kooxdiisa kulanka Leicester City ee habeen dambe.

Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League.

Kante ayaa seegay kulankii ay chelsea guusha ka gaadhay kooxda Fulham sabab la xidhiidha ganaax kadib kaadhka digniinta oo ku batay.

Laakiin xiddiga ayaa mar kale ka maqnaan doona shaxda kooxdiisa inkasta oo uu ka dhamaaday ganaaxii halka kulan ahaa.

Lampard oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kante waxa uu dhaawac yar ka qabaa jilibka sidaas darteed ma ciyaari doono kulanka Leicester City”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*