Lampard Oo Weerar Ku Qaaday Timo Werner, Maxay Tahay Sababta Uu U Badalay Kulankii Arsenal.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa weerar culus ku qaaday weeraryahankiisa Timo Werner kadib guuldaradii Blues ka soo gaadhay kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa garaacay kooxda chelsea kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalkapremier League.

Xiddiga Timo Werner ayaa ku bilowday shaxda chelsea laakiin la badalay qaybtii Nasashada iyada oo lagu badalay xiddiga Callum Hudson-Odoi.

Timo Werner ayaa ku dhibaatoonaya gool dhalinta isaga oo xilli ciyaareedkan kaliya dhaliyay 4 kulan wax gool ahna aan dhalin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Lampard oo ciyaarta kadib la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Werner noomuu soo bandhigin wax fiican kulanka hadii uu kubad haysto iyo hadii uuna haysanba”.

“Waxa ay ahayd in la badalo waana waxa dhacay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*