Lampard Oo Go`aamiyay Cidda Ah Goolhayaha Koowaad Ee Chelsea Kepa Vs Mendy

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa hoosta xariiqay in goolhayhiisa cusub ee Edouard Mendy uu yahay dookha koowaad ee shaxda asaasiga kooxdaas

Mendy ayaa xalay cyaaray kulankiisii sedexaad ee Chelsea ka dib markii uu saftay kulankii Sevilla ee wareegga koowaad ee Champion-ka

Kulankaas waxa uu ku dhamaaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Mendy uu muujiyay dadaal dheeraad ah .

“Illaa iyo haatan kulamada Mendy uu ciyaaray waxa uu muujiyay karti , bad baadinno cajiib ah ayuu sameeyay” ayuu Lampard yiir ka dib kulankii xalay ee Sevilla

” Kuma qaldamin in aan Mendy la soo hsihiiyay , dhab ahaan waxa uu uu durba muujiyay qiimaha uu leeyahay”.

Macalinka waxa uu intaas sii raaciyay” waan ku faraxsanahay Mendy waana dookha koowaad ee ilaalada goosha Chelsea”