Lampard Mise Solskjaer? Roy Kean Oo Kashifay Midkooda Shaqo Fiican Qabtay Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga Kooxda Man United Roy Keane ayaa sheegay in uu tababaraha Chelsea ee Frank Lampard qabtay shaqo ka fiican tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer kadib markii ay labada kooxoodba u soo bexeen champions League xilli ciyaareedka dambe.

Goolal ay dhaliyeen Mason Mount iyo Olivier Giroud ayaa chelsea ka caawiyay in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Frank Lampard.

Lampard ayaa sidoo kale fursad u haysta in uu ku guulaysto koobkiisii ugu horeeyay marka ay Chelsea la ciyaari doonto Arsenal Final-ka FA Cup-ka.

Solskjaer ayaa sidoo kale saamayn fiican ku yeeshay United sanadkiisii ugu horeeyay ee buuxay iyada oo aan kooxdiisa laga badin 19-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Laakiin markii la waydiiyay shaqada uu Lampard qabtay Halyeeyga Man United ee Keane ayaa u sheegay Sky Sport in uu tababaraha Blues ka shaqo fiican yahay tababaraha Man United.

“Frank ayaa qabtay shaqo ka fiican Ole”ayuu Keane yidhi.

“Waxa aan filayay in ay dhibaatoodaan laakiin qaabka ay u ciyaareen waxa ay ahayd mid fiican”.

“Waxa uu sameeyay go’aan weyn waxana uu keenay xiddigo da’yar ah waxana uu saamayn weyn ku yeeshay kooxda”.

“Waxa ay u soo bexeen champions League waxana ay ku guulaysan karaan FA Cup, waa shaqo fiican”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*