Lamine Yamal:”Muslim Ayaan Ahay Alxamdulillaah”

Xiddiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Lamine Yamal ayaa ka hadlay dhacdo cunsuriyad leh oo ka dhacday kulankii uu xulka Spain la ciyaaray dhigiisa xulka Masar kulamada caalamiga ah.

Xulka Egypt ayaa la ciyaaray Spain garoonka RCDE Stadium fiidnimadii Salaasada, ciyaartaas oo ku dhammaatay barbaro 0-0 ah.

Xulka Masar ayaa la kulmay buuq iyo qaylo ka timid taageerayaasha Spain intii lagu jiray heesta calanka qaranka, waxaana sidoo kale lagu weeraray hadallo cunsuriyad ah oo taabanaya diinta Islaamka.

Ciyaaryahanka Barcelona ayaa muujiyay caro uu ka qabo heesahaas ku saabsan diinta Islaamka, wuxuuna u muuqday mid xanaaqsan, isagoo diiday inuu salaamo taageerayaasha isaga iyo saaxiibadiis kadib ciyaarta, isla markaana si degdeg ah uga baxay garoonka.

Yamal ayaa bartiisa rasmiga ah ee Instagram ku qoray:“Anigu waxaan ahay Muslim, Alxamdulillaah. Shalay garoonka waxaa laga maqlay hees leh: (Qof kasta oo aan boodin waa Muslim).”

Wuxuu sii raaciyay:“Waan ogahay in heestu ku socotay kooxda naga soo horjeedda, oo aan si gaar ah aniga ii quseyn, balse anigoo Muslim ah waxaan u arkaa fal aan habboonayn oo aan la aqbali karin.”

Wuxuu intaas ku daray:“Waan fahamsanahay in taageerayaasha oo dhan aysan sidaas ahayn, laakiin kuwa ku celceliya heesahan waxaan leeyahay: isticmaalka diinta si lagu qoslo garoonka waxay muujineysaa jaahilnimo iyo cunsuriyad. Kubadda cagtu waa madadaalo iyo dhiirigelin, ma aha meel lagu aflagaadeeyo dadka sababo la xiriira aqoonsigooda ama caqiidadooda.”

Ugu dambeyntii wuxuu yiri:“Si kastaba ha ahaatee, mahadsanidiin dhammaan kuwa yimid si ay noo taageeraan, waxaan idin kula kulmi doonaa Koobka Adduunka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga