Lamine Yamal Oo Laba Dal Ku Soo Bandhigay Kulankii Semi-Final-ka Ee Euro 2024, Midkoona Spain Ma Ahan.

Laba calan ayaa lagu arkay kabaha Lamine Yamal ee kulankii Euro 2024 ee uu xulka Spain la ciyaaray xulka France.

Yamal ayaa dalalka Morocco iyo Equatorial Guinea ku soo bandhigay kabihii uu xidhnaa kulankii Semi-final-ka tartanka Euro 2024.

Arintan waxa ay ka tarjumaysaa dhalashada Yamal iyo dhinaca uu ka soo jeedo dhiig ahaan.

Yamal ayaa ku dhashay dalka Spain laakiin waxa kala dhalay aabbe Moroccan ah iyo hooyo Equatorial Guinea ah.

Waxaa jirtay dood ku saabsan xulka qaranka uu xiddiga garabka ka ciyaara uu matali doono, iyadoo Morocco ay aad ugu riixday inay hesho. Xiddiga Barcelona ayaa ugu dambyntii doortay Xulka Spain.

Hadda isagoo 16 jir ah, Lamine wuxuu sameynayaa taariikh isagoo ah ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid ee Euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga