Lambarka Uu Robert Lewandowski U Xidhan Doono Barcelona Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday Lambarka uu Robert Lewandowski u xidhan doono kooxda kadib markii uu ku soo biiray xagaagan.

Barcelona ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Robert Lewandowski kadib markii ay Bayern Munich kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Poland.

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga xilli uu maanta ku baasay tijaabada caafimaadka.

Sida laga soo xigtay Tribal Football, Xiddiga Robert Lewandowski ayaa kooxda Barcelona u qaadan doona Lambarka No.9 xilli ciyaareedka cusub

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa No.9 horay ugu soo xidhay Kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Dortmund halkaas oo uu ku soo qaatay inta badan xirfadiisa ciyaareed.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga Memphis Depay ka tagi doono kooxda xagaagan ama u banayn doona xiddiga Robert Lewandowski hadii uu ka tagi waayo kooxda.