Lambarka Uu Ibrahima Konate U Xidhan Dono Liverpool Oo La Ogaaday Xilli Ay Reds Dhamaystirayso Saxiixa Xiddiga.

Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ibrahima Konate sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca Liveprool ayaa ku dhaw in uu ku biiro Reds iyada oo Kooxdu haatan dhamaystirayso waxyaabihii ugu dambeeyay ee heshiiska ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool haatanba diyaarisay lambarka uu xiddiga Ibrahima Konate u xidhan doono kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Reds diyaarinayso lambarka No.5 kaas oo ay doonayso in uu xiddiga Ibrahima Konate u xidho kooxda xilli ciyaareedka dambe marka uu ku soo biiro.

Waxa lambarkaas haatan kooxda u xidha xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo qaab xor ah uga tagi doona kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa Reds.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*