Lambarka Uu Edinson Cavani U Xidhan Doono Man United Oo La Xaqiijiyay.

Saxiixa cusub ee Manchester United Edinson Cavani ayaa xiran doona maaliyada caanka ah ee No.7 kooxda ka dib markii uu Ku soo biiray Old Trafford.

Xiddiga reer Uruguay ayaa United u saxiixay hal sano oo heshiis ah iyo hal sano oo dookh ah isaga oo si xor ah ugu soo biiray.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa kooxda ku soo biiray kadib markii uu isaga tagay kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda reer France.

Cavani ayaan wax kubad ah ciyaarin tan ilaa bishii March laakiin waxa uu doonayaa in uu si fiican ku bilowdo kooxdiisa Man United.

Kadib markii uu ku soo biiray maalintii ugu dambayay ee suuqa kala iibsiga kooxda Man United ayaa si lama filaan ah xiddiga u siisay lambarka caanka ah ee No.7.

Lambarka ayay Man United u soo xidheen xiddigo qaab ciyaareed fiican ku soo gaatay kooxda Man United kana mid yihiin Bryan Robson, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.

Sii Akhriso: RASMI: Xisbiga KULMIYE Oo Ansixiyay Golaha Dhexe Ee Xisbiga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*