Lambarka Uu Christian Eriksen U Xidhan Karo Man United Kadib Markii Uu Ku Biiray Kooxda

Christian Eriksen ayaa noqday saxiixi 2-aad ee kooxda Man United suuqa xagaaga iyada oo kooxdu kula soo saxiixtay xiddiga qaab xor ah.

Xiddiga reer Denmark ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooda ku ciyaarta Old Trafford ilaa xagaaga 2025.

Xiddiga ayaa Man United ka doortay kooxdiisii hore ee Brentford kuwaas oo doonayay in ay iyaguna la wareegaan xiddiga khadka dhexe ku fiican.

Christian Eriksen ayaa la filayaa in uu ka noqdo qorshaha Ten Hag maadama ay horay u soo wada shaqeeyeen waxana uu tababaruhu ku qanciyay in uu ku biiro kooxdiisa.

Man United ayaan shaacin lambarka uu xiddiga Christian Eriksen u xidhan doono kooxda marka loo bar-bar dhigo in ay shaacisay saxiixii ka horeeyay isaga.

Wargayska Manchester Evening News ayaa soo bandhigay lambarada uu xiddiga Christian Eriksen u xidhan karo kooxda Man United kadib markii Si Rasmi ah loogu dhawaaqay.

No.6:

Waa lambarkii uu baneeyay xiddiga Paul Pogba kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda waxana horay u soo xidhay Lambarada daafacyada Wes Brown & Jonny Evans.

No.13:

Waxa kooxda u soo xidhay Park Ji-Sung halka uu xiddigii ugu dambeeyay ee kooxda Man United u xidhay lambarka aha Goolhaye Lee Grant.

No.14:

Lambarkan waxa baneeyay Jesse Lingard kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda waana lambarka ay u badantahay in uu Eriksen u xidho Man United.

Lambarada kale ee banan: 24, 15, 18, 21, 26.