Lama Filaan: Man United Oo Badalka Edinson Cavani Ka Heshay Man City.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Sergio Aguero si ay ugu xaliso dhibaatada weerarka.

Xiddiga Reer Argentine ee Sergio Aguero ayaa la filayaa in uu isaga tago Man City dhamaadka xilli ciyaareedka marka uu dhoco heshiiskiisa haatan suuqa xagaaga.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Barcelona, Chelsea iyo Inter Milan kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan weerarka.

Laakiin wargayska Express ayaa sheegaya in ay Man United tahay kooxdii ugu dambaysay ee ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man United ayaa filaysa in ay waydo xiddig Edinson Cavani kaas oo uu dhacay heshiiskiisa waxana ay Man United suuqa u gali doontaa saxiixa weeraryahan cusub.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Man United qorshaynayso in ay qaab xor ah ugu dhaqaaqdo xiddiga Sergio Aguero xagaaga si uu u noqdo badalka Edinson Cavani hadii uu ka tago kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*