Lama Filaan: Barcelona Oo Iska Diiday Saxiixa Kylian Mbappe & Xiddiga Ay Badalkiisa U Dhaqaaqday Oo La Ogaaday.

Javier Bordas, oo ahaa maamulihii hore ee Barcelona ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona iska diiday saxiixa xiddiga Kylian Mbappe iyaga oo ka doorbiday in ay la saxiixdaan xiddga Ousmane Dembélé.

Kooxda Barcelona ayaa la soo saxiixatay xagaagii 2017 xiddiga Ousmane Dembélé iyaga oo 130 milyan oo euro kagala soo wareegay kooxda Borussia Dortmnd.

Wakhtigaas Kylian Mbappeayaa loo soo bandhigay kooxda Barcelona markii uu joogay kooxda Monaco waxana lagu helayay lacag dhan 100 milyan oo euro laakiin kooxda Barcelona ayaa dooratay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Ousmane Dembélé.

Javier Bordas oo la hadlaya Mundo Deportivo ayaa yidhi”Waxa aan isku daynay in aan la soo saxiixano Mbappe laakiin waxa aan la soo saxiixanay Ousmane Dembélé”.

“Kooxda Monaco ayaa nala soo xidhiidhay noona sheegtay in aan heli karno saxiixa Mbappe”.

“Bartomue ayaa ii sheegay in uu Aabaha dhalay Mbappe la soo xidhiidhay una sheegay in uu wiilkiisu diyaar u yahay in uu ku biiro Barcelona”.

“Laakiin waxa aan la soo saxiixanay Ousmane Dembélé kadib markii ay maamulka Barcelona iska diideen saxiixa Mbappe”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*