Lama Filaan: Arintan Ma La Macno Tahay In Uu Cristiano Ronaldo Ku Soo Laaban Doono Real Madrid.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa qarixiyay lama filaan kadib markii uu sheegay in laga yaabo in ay run ku jirto wararka Cristiano Ronaldo la xidhiidhinaya ku laabashada Real Madrid.

Tababaraha reer France ayaa wax laga waydiiyay soo laabashada Cristiano Ronaldo xilli uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Atalanta ee champions league.

“Haa, waa laa yaabaa”ayuu Zidnae ku jawaabay markii wax laga waydiiyay in uu in uu Real Madrid ku soo laaban doono.

“Waan Ognahay Cristiano, waan ognahay in uu yahay xiddig wax walba kula guulaystay kooxda”.

“Laakiin haatan waa xiddig Juventus ah waana in aan Ixtiraamno”.

“Haatan aynu eegno waxa uu mustaqbalku noqon doono, waxa aan nasiib u yeeshay in aan tababare u noqdo, haatana waxa uu caawinayaa Juventus”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*