Laga Baray, Laga Badi: Arteta Oo Garaacay Guardiola & Aubameyang Oo Arsenal Ku Hogaamiyay Final-koodii 21-aad Ee FA Cup-ka

Kooxda Arsenal ayaa iska xaadirisay Finalka FA Cup-ka markii 21-aad ee taariikhdooda kadib markii ay si lama filaan ah u garaaceen kooxda difaacanaysa koobka ee Man City.

Kulanka ayaa ku bilowday sidii la filayay mid ya Man City maamulaysay kubad haysata iyaga oo xitaa gaadhsiiyay 83% bilwogii qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin Arsenal oo la soo baxday ruux aan horay loogu arag ayaa goolkooda u difaacanayay sidii uu kulanku yahay mid dhimasho ka badbaadinaya iyaga oo nafta u huray sidii ay u difaacan lahaayeen.

Daafaca David Luiz oo ay taageerayaasha Arsenal dhaleeceeyaan mar walba ayaa libaax isku badalay xilli ay weeraryahanada Man City bisado isku badaleen.

Kooxda Man City ayaa heshay fursado yar laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalaan iyaga oo si weyn u tabay weeraryahanka Sergio Aguero.

Daqiiqadii 19-aa ayay Arsenal hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka.

Kadib goolka Man City ayaa sii laba jibaartay weerarka iyo maamulista ciyaarta xilli ay kooxda Arsenal dabada la galeen goolkooda si ay u ilaashadaan goolka ay ku horeeyaan ciyaarta.

Arsenal ayaa ku dhufo oo ka dhaqaaq la ciyaaraysay kooxda Man City iyaga oo u ogolaaday in ay haystaan kubada hadii ay wax u tarayso halka dambe ee daafacana shub ka dhigay oo ilaalo waali saaray.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso natiijo ahaan laakiin qaab ciyaareedka fiicna Man City qolka Labiska la tageen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay Man City si dhiiri galin ah ku soo galeen iyaga oo doonayay goolka bar-baraha ka hor inta ayna xeedho iyo fandhaal kala dhicin.

Laakiin Arsenal oo luqunta ku wata dhiiri galinta iyo waliba in uu kulankan yahay midka ay ku badbaadin karaan xilli ciyaareedkooda ayaa sii adkeeyay daafacooda iyaga oo joojiay isku day kasta oo ay Man City samaysay.

Xilli ay Wiilasha Pep Guardiola kaliya ku mashquulsanaayeen keenista goolka bar-baraha oo ay iska iloobeenba in ay Arsenal gool kale dhalin karto ayay Gunners hurdada kaga toosisay gool kale.

Daqiiqadii 71-aad ayay Arsenal dhalisay goolka iyaga oo uu mar kale u dhaliyay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 Ay Gunners ku hogaaminayso.

Wixii intaas ka dambeeyay xiddigaha Arsenal oo ogaaday in ay adagtahay in ay Man City soo laabato ayaa ku baashaalay difaacashada iyaga oo wax walba u sameeeyay sidii ay Man City uga hor istaagi lahaayeen gool rajo siiya.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal iska xaadirisay Finalka FA Cup-ka markii 21-aad ee taariikhdooda iyaga oo haatan Wembley ku sugi doona Man United ama Chelsea.

Sii Akhriso: Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Amaanka Somalia Oo Dil Ka Badbaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*