Lacagta Uu Jose Mourinho Ku Gali Doono Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramaya in la siin doono lacag dhan 145 milyan oo euro marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga si uu kula soo saxiixdo xiddigo cusub.

Mourinho ayaa Mauricio Pochettino ka badalay shaqada Tottenham laakiin tababaraha reer Portugal ayaa si adag ku bilowday isaga oo laga badiyay 9 kulan oo ka mid ah 26 kulan oo uu hogaamiyay.

Kooxda Tottenham ayaa wajahaysa in ay ka hadho champions League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo haatan ku jira kaalinta 8-aad 7 dhibcoodna ka ka dambeeya kaalinta 4-aad.

Si kasta ha ahaatee Wargayska Bild ayaa sheegaya in Jose Mourinho la siin doono lacag dhan 145 milyan oo euro oo kula soo saxiixdo xiddigo cusub xagaaga.

Jose Mourinho ayaa bartilmaameed ka dhigtay xiddiga kooxda RB Leipzig ee Marcel Sabitzer kaas oo ah bartilmaameedkiisa ugu weyn u ah Mourinho.

Advertisements

Xiddiga Marcel Sabitzer ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*