Lacagta Ay Man City Suuqa Galin Doonto Xagaaga Oo La Ogaaday.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa galiso lacag dhan 150 milyan oo euro kadib markii ay ku guulaystay in ay racfaanka ka qaadato ganaaxii laga saaray champions League.

Kadib markii ay UEFA 2 sano oo ganaax ah oo champions League ah ka saartay bishii February kooxda premier League ka ciyaarta ayaa maanta ogaatay in kaliya 10 milyan oo euro lagu ganaaxay lagana dhaafay 2-dii sano ee champions League ahaa.

Wargayska The Guardian ayaa haatan sheegaya in ay Maamulka Man City haatan Guardiola xoriyad u siin doonaan in uu lacag badan suuqa galiyo suuqa xagaaga si uu u xoojiyo kooxdiisa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha David Alaba & Kalidou Koulibaly yihiin bartilmaameedka 1-aad ee tababare Pep Guardiola si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Xisbiyada Siyaasada Somaliya Oo Diiday War-Murtiyeedkii Ka Soo Baxay Shirkii Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*