Lacagta Ay Kooxaha Premeir League Ka Heleen Tartamada Yurub Ee Xilli Ciyaareedkan Oo La Ogaaday.

Kooxda chelsea ayaa hogaaminaysa kooxaha premeir League marka laga hadlayo lacagta ay faa’iideen kooxaha premeir League ee ka qayb galaya tartamada yurub.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka si la mid ah kooxda Man City laakiin waxa ay heleen laca ka badan mida ay Man City heshay.

Chelsea ayaa 10.4 milyan jeebka ku shubatay kulankii ay dhaaftay kooxda Fc porto Quarter-Final-ka tartanka champions League waxana ay guud ahaan heleen lacag dhan 79.8 milyan euro.

Kooxda Man City ayaa ku xigta waxana ay ilaa haatan champions League ka heleen lacag dhan 76.8 milyan euro.

Kooxda Liverpool ayaa kaalinta 3-aad ku jirta kooxaha lacagta ugu badan ka helay tartamada yurub iyaga oo helay 60.9 miyan euro.

Man United oo champions league kaga hadhay wareega Group-yada laakiin haatan ka ciyaraysa Europa League oo gaadhay Semi-final-ka ayaa heshay lacag dhan 50.7 milyan euro.

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda heshay lacag dhan kaliya 14.4 milyan euro waana kooxda lacagta uguyar ka heshay Europa League.

Kooxaha Leicester Ciyo Tottenham ayaa dhankooda 10.4 milyan oo Tottenham ah iyo 7.7 oo Leicester City ah.

  1. Chelsea – £79.8m
  2. Man City – 76.8m
  3. Liverpool – £60.9m
  4. Man Utd – £50.7m
  5. Arsenal – £14.4m
  6. Tottenham – £10.4m
  7. Leicester City – £7.7m

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*