Lacagta Ay Arsenal Ku Galayso Suuqa January Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa loo sheegay in uu haysto lacag dhan 20 milyan oo euro oo uu ku gali karo suuqa January.

Gunners ayaa muhiimada siinaysa in ay iska dirto xiddigaha aan kooxda u ciyaarin bishan xilli ay doonayso in ay yarayso kooxda.

Xiddigaha Sead Kolasinac, William Saliba & Matt Macey ayaa dhamaantood ka tagay kooxda halka la filayo in uu Mesut Ozil ka tago maalmaha soo socda.

Barnaamijka Transfer Window Podcast ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal haatanba tababare Mikel Arteta u sheegtay in uu haysto lacag dhan 20 milyan oo uu kula soo wareegi karo xiddigo cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*