Labada Kooxood Ee Man City Iyo Liverpool Kula Tartami Doona Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub Oo La Magacaabay.

Xiddigii hore ee Liverpool Stewart Downing ayaa magacaabay labada kooxood ee uu aaminsan yahay inay kula tartami doonaan kooxaha Manchester City iyo Liverpool xilli ciyaareedka soo socda.

Liverpool iyo Man City ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ku tartamay horyaalka premier League.

Man City ayaa maalintii ugu dambaysay hal dhibic ku qaaday horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday laakiin Downing ayaa rumaysan in ay Man City iyo Liverpool wajihi doonaan xilli ciyaareed adag.

“Anigu waxa aan aaminsanahay in ay chelsea Man City iyo Liverpool kula tartami doonto horyaalka xilli ciyaareedka dambe”ayuuu yidhi

“Sidoo kale Tottenham waa la saadaalin karaa in ay ku tartanto horyaalka marka la eego in ay haystaan tababare Conte oo ah tababare koobab ku guulaysta”.

Waxa la soo saaray jadwalka horyaalka premier League iyada oo uu 5 bisha August bilaaban doono xilli ciyaareedka cusub ee 2022/2023.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*