Labada Daafac Ee Bidix Ee Ugu Fiican Oo La Magacaabay.

Daafaca kooxda Atletico Madrid ee Renan Lodi ayaa sheegay in xiddigaha Andy Robertson iyo Alphonso Davies yihiin daafacyada bidix ee ugu fiican adduunka.

Labada xiddig ayaa kooxohooda ugu soo biiray lacag aad u yar laakiin haatan ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskooda adduunka kuna jira qaab ciyaareed fiican.

Liverpool ayaa Robertson kula soo wareegtay 8 milyan oo euro halka ay Bayern Munich Davies ka bixisay lacag dhan 10 milyan oo euro.

Labada xiddig ayaa koobab kula guulaystay kooxdooda iyaga oo kula guulaystay horyaalada England iyo Germany halka ay sidoo kale ku guulaysteen champions League.

Lodi oo dhankii qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya Spain ayaa sheegay in ay labada xiddig ee u kala ciyaara Liverpool iyo Bayern yihiin xiddigaha ugu fiican boosooda adduunka.

“Xiddigaha Robertson¬† Iyo Alphonso Davies waa laba xiddig oo cajiib ah, Davies xitaa iga yar aniga sidoo kale Roberston wali wuu yahay waana laba xiddig oo tayo leh”ayuu Rodi u sheegay FIFA.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*