Laba Xiddig Oo U Ciyaara Oo Xabsi La Dhigay & Sababta Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay ciidamada Amaank ee Magaalada London Xabsiga dhigeen xiddigaha kooxda chelsea ee Mason Mount iyo Ben Chilwell sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid kulan ka tirsan Semi-final-ka champions League.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay ciidamada Amaanka magaalada London Xidheen xiddigaha Chilwell iyo Mount sabab la xidhiidha in ay jabiyeen xeerka xanuunka Korona ee loo dhigay xiddigaha kubada cagta.

Labada xiddig ayaa ka qayb qaatay xaflad ay dad badan isugu yimaadeen taas oo keentay in ay ciidamadu geeyaan xabsiga ka hor inta aan laga soo saarin kadib markii ay wakiiladoodu u tageen.

Kooxda cheslea ayaan wax warbixin ah ka soo saarin dhacdadan taas oo keeni karta in labada xiddig xanuunka Korona laga helo maalmo ka hor kulanka Real Madrid.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*