Laba Xiddig Oo U Ciyaara Chelsea Oo Kai Havertz Ku Qanciyay In Uu Ku Biiro Chelsea

Xiddigaha Timo Werner & Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa in ay Xiddiga Kai Havertz ku qanciyeen in uu ku soo biiro kooxda Inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Blues ayaa dar-dar galisay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga 21 jirka ah si ay u helaan saxiixiisa kadib markii ay xaqiiqsadeen booskooda champions League xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddigaha Timo Werner iyo Hakim Ziyech waxana ay doonayaan in ay saxiixooda 3-aad ka dhigtaan xiddiga Bayer Leverkusen ee Kai Havertz.

Wargayska Football.london ayaa sheegaya in xiddigaha ay isku xulka yihiin ee Werner & Rudiger ku qanciyeen in uu xiddigu ku soo biiro kooxda chelsea iyaga oo ku qanciyay hamiga kooxda.

Havertz ayaa haatan doonaya in uu ku biiro chelsea bilowga todobaadka dambe inkasta oo ayna labada kooxood wali ka heshiin qiimaha xiddiga.

Sii Akhriso: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*