Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Man United Ka Maqnaan Doona Kulanka Newcastle.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa waayi doona adeega xiddigaha Edinson Cavani & Anthony Martial kulanka Newcastle laakiin kulankiisii ugu horeeyay ku bilaabi kara xiddiga Alex Telles.

United ayaa sabtida u safri doonta Newcastle si ay u ciyaarta kulankoodii ugu horeeyay kadib fasaxa xulalka iyo tan ilaa markii uu xidhmay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Red Devils ayaa rajaynaysa in ay ka soo laabtaan guuldaradii ceebta ahayd ee ka soo gaadhay Tottenham kulankii ugu dambeeyay ka hor fasaxii xulalka.

Anthony Martial Ayaa kaadhak cas loo taagay kulankii Tottenham kadib markii uu feedhay xiddiga Erik Lamela xiddiga reer France ayaana ka ganaaxan kulanka Newcastle.

Laakiin ma noqon doono xiddiga kaliya ee United ka maqnaan doona kulanka maadama uu Edinson cavani wali ku jiro karantiil 14 maalin ah.

Cavani ayaa United ku soo biiray maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga waxana uu ku jiraa karantiil loogu tala galay xanuunka Korona.

Laakiin Solskjaer ayaa shaxdiisa ku bilaabi kara xiddiga Telles kaas oo taam u noqon doona kulanka.

Alex Telles ayaa United ku soo biiray maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga waxana uu Solskjaer ku bilaabi karaa shaxdiisa garabka bidix.

Sii Akhriso: Kenya Oo 3 Shardi Ku Xidhay In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Somaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*