Laba Xiddig Oo Man United Ah Oo Shaki Ku Jiro Kulanka Everton Kadib Guushii Leeds United.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ay labada xiddig ee Scott McTominay & Luke Shaw shaki ku jiro taam ahaanshohooda kulanka quarter-final tartanka Carabao Cup-a ee ay la ciyaari doonaan Everton.

Labada xiddig ayaa ku bilowday shaxda kulankii ay Red Devils ku badisay 6/2 kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee labada kooxood ayaan garoonka ka bixin iyaga oo caafiaamd qaba Solskjaer ayana qirtay in ay labada xiddig dhaawacmee.

Markii la waydiiyay in uu shaki ku jiro taam ahaanshaha labada xididg ka hor kulanka Everton ayuu Solskjaer yidhi”Haa, waan u malaynayaa, Luke wuu xanuunsanayay maalmo waxana uu taam u noqday kulanka Leeds Subaxnimadii manuuna tababaran shalay”.

“Scott waxa uu ka cabanayaa dhaawac canqawga ah mana garanayo inta uu leegyahay waxan rajaynayaa in uuna muddo dheer maqnaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*