Laba Xiddig Oo Liverpool U Ciyaara Oo La Xaqiijiyay In Ay Seegi Doonaan Kulanka Man United.

Xiddigaha Joel Matip & Naby Keita ayaa la xaqiijiyay in ay seegi doonaan kulanka adag ee ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Man United Axada.

Reds ayaa marti galin doonta kooxda ay la xafiiltamaan kulan adag oo si weyn loo sugayo labada kooxoodna ku tartamayaan hogaanka horyaalka.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Liverpool ka maqnaan doonaan xiddigaha Joel Matip & Naby Keita kulan Man United ee Axada.

Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa siin doona ugu yaraan laab tababar sidaas darteed waxa ay u badantahay in ay labada xiddigba ka maqnaan doonaan labadaas tababar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*