Laba Xiddig Oo Liverpool Ah Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Man City.

Kooxda Liverpool ayaa ku soo laabatay tababarka maanta, khamiistii, ka dib markii ciyaartoydu ay nasasho 24 saac ah heleen kadib guushii ay ka gaadheen Fc Porto Salaasadii.

Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Porto kulan ka tirsanaa todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha kooxda Liverpool ayaa bilaabay isku diyaarinta kulanka Man City ee Axada kulan ka tirsan premier Leageu kana dhici doona garoonka Anfield.

Laakiin Waxa tababarka ka maqnaa xiddigaha Trent Alexander-Arnold iyo Thiago Alcantara kuwaas oo kaga maqan tababarka kooxdooda dhaawacyo kala duwan oo ay qabeen.

Sidaas darteed waxa uu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshaha labada xiddig ee kulanka Axada ee muhiimka u ah kooxda Liverpool.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*