Laba Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Seegi Doona Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub.

Labada xiddig ee kooxda Arsenal Gabriel Magalhaes iyo Gabriel Martinelli ayaa lagu soo daray xulka Brazil ee ka qeybgalaya ciyaaraha Olimbikada.

Tababare Andre Jardine ayaa ku dhawaaqay 22-ciyaartoy oo ka qayb qaadan doona kulamada Tokyo kadib markii FIFA ogolaatay xiddigo dheeraad ah oo ka badan 18 xiddig.

Si kasta ha ahaatee kooxaha ayaa diidi kara in ay xiddigohoodu ka qayb qaataan tartanka maadama uuna ka qayb ahayn xilli ciyaareedka cusub cagta.

Kooxaha PSG iyo Real Madrid ayaa diiday in ay xiddigohooda reer Brazil u golaadaan in ay ka qayb qaataan tartanka bilaaban doona wakhti dambe oo bishan ah.

Laakiin Arsenal ayaa ogolaatay in ay labada xiddig ee Gabriel Magalhaes iyo Gabriel Martinelli xulkooda u matalaan tartanka taas oo la macno ah in ay seegi doonaan bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*