Laba Xiddig Chelsea Ah Oo Ku Sii Jeeda PSG , Amaah Miyay Ku Baxayaan Mise?

PSG ayaa hamineysa in Chelsea kala hishiiyaan saxiixa labada xiddig ee kala ah Rudiger iyo Bakayoko oo ay ku doonayaan qaab amaah ah  sida Sky Sport laga soo xiganayo.

Rudiger muddo ayaa lala xariirinayaa in uu ka huleelayo qalcadda Stamford Bridge  waxa ayna wararka qaar tilmaamayaan in Chelsea aysan ogalaan doonin fikradda ah in qaab amaah ah lagu qaato laacibkooda.

Sidaas oo ay tahay ka dib guul draadii Tottenham ee xalay waxaa macalin Lampard la weydiiyay in mustaqbalka Rudiger uu ka sii fogaanayo Chelsea waxa uu yiri ” Maya”

Dhanka Bakayoko , Chelsea diyaar ayay u tahay in ay dirto  waxa ayna u badan tahay in amaah uu ugu wareego PSG xilli horay ay u soo damaacisay AC Milan oo laacibkaas uu mar amaah ugu soo ciyaaray.

Macalin lampard waxaa la xaqiijiyay in uu doonayo in laacibkaas toos uu u fasaxo halka amaah uu ku diri lahaa waxa uuna PSG ku cadaadinayaa in  ay ogalaadaan soo jeedintiisa

 

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*