Laba Sabab Oo Ay Barcelona U Doonayso Saxiixa Bernardo Silva

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay aad u doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Bernardo Silva, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Isla wargayska ayaa shaaca ka qaaday laba sabab oo ay kooxda Barcelona aad ugu doonayso in ay hesho saxiixa xiddiga rer Portugal marka la gaadho suuqa xagaaga.

Sababta ugu horaysa ayaa ah koobabka uu ku guulaystay ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed iyada oo uu xiddiga reer Portugal ku guulaystay 10 koob 5-tii sano ee uu joogay Barcelona isaga oo sidoo kale kooxdiisa la gaadhay final-ka champions League.

Sababta kale ayaa ah qaab ciyaareedka Silva oo ah mid ku salaysan qaab baas ah waana mid uu jecelyahay tababare Xavi kaas oo doonaya in uu soo celiyo qaab ciyaareedkii “Tiki-Taka” ee ay Barcelona ku caan baxday.

Sidoo kale xiddiga reer Portugal ayaa ah mid orod badan marka uu kubada haysto waxana uu Xavi aaminsanyhay in uu si weyn u caawin doono kooxdiisa.