LABA Koox Oo Uu Houssem Aouar Ka Doorbidayo In Uu Ku Biiro Arsenal Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Houssem Aouar ayaa lagu soo waramayaa in uu doorbidaya in uu ku biiro Kooxaha Manchester City ama Juventus halkii uu ku biiri lahaa kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ayaa bartilmaameedka 1-aad u ah Mikel Arteta iyo kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Arsenal ayaa u soo bandhigtay kooxda Lyon xiddiga Matteo Guendouzi laakiin kooxda reer France ayaa diiday dalabkaas.

Lyon ayaa sidoo kale diiday dalab 32 milyan ah todobaadkii hore iyada oo Arsenal u sheegtay in ay doonayso lacag ku dhaw 55 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Aouar ayaa si aad ah u doonaya in uu ka tago kooxda Lyon ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga laakiin khadka dhexe ayaan doonayn in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga 22 jirka ah doonayo in uu midkood ku biiro kooxaha Man City ama Juventus si uu uga qayb qaato champions League.

Si kasta ha ahaatee Arsenal aya ah kooxda kaliya ee dalab rasmi ah ka gudbisay illaa iyo haatan waxana wargayska L’Equipe sheegayaa in ay Arsenal doonayso lacag dhan 50 milyan oo euro si ay u iibiyaan xiddiga khadka dhexe xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*