Laba Koox Oo Premier League Ah Oo Qorshaynaysa In Ay Barcelona Ka Afduubtaan Saxiixa Eric Garcia.

Kooxaha chelsea iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayaan in ay Barcelona ka afduubtaan saxiixa xiddiga Eric Garcia kadib markii ay Barcelona wax ka badashay heshiiskii ay la gashay xiddiga.

Xiddiga Eric Garcia Ayaa si xor ah uga tagi doona kooxda Man City marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda hogaaminaysa horyaalka premeir league iyada oo pep Guardiola xaqiijiyay in uu xiddigu ku wajahanyahay Barcelona.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay u sheegtay xiddiga in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu soo biiro kooxda xilli ay kooxdu ku dhibaatoonayso dhinaca dhaqaalaha.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay kooxaha Arsenal iyo chelsea oo xiiso dhab ah u qaba saxiixa xiddiga ka faa’iidaysanayaan arintaas si ay u helaan saxiixiisa marka la gaadho xagaaga.

Xiddiga Eric Garcia ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay Man City u soo bandhigtay si uu ugu biiro kooxda Barcelona laakiin wax ka badalka ay kooxdu ku samaysay heshiiska ayaa shaki galinaya ku biiristiisa Barcelona.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*