Laba Koox Oo Premier League Ah Oo Arsenal Kula Biirsay Tartanka Martin Odegaard

Kooxaha Chelsea Iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u muujiyeen saxiixa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Amaahda kula jooga Arsenal ee Martin Odegaard sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu Amaahda ugu soo biiray Arsenal suuqii January isaga oo dhaliyay 2 gool 12 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Martin Odegaard iyada oo uu Mikel Arteta doonayo in uu sii haysto xiddiga xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Daily Star Ayaa sheegaya in ay kooxaha Chelsea iyo Liverpool ku soo biireen tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe xilli ay Arsenal ka cabsi qabto in ay awood u yeelan waydo in ay bixiso 50-ka milyan ee lagu qiimeeyo xiddiga.

Real Madrid ayaa dhankeeda doonaysa in ay lacag fiican ku hesho xiddiga si ay dhankooda ugu xoojiso kooxdeeda marka uu furmo suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*