Laba Faa’iido Oo Chelsea Ka Caawin Kara Saxiixa Sergio Aguero Oo La Ogaaday.

Kooxda chelsea ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero marka uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa haatanba xaqiijisay in uu Sergio Aguero isaga tagi doono Etihad Dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa soo afjari doona 10 sano oo uu joogay kooxda Man City waliba ku noqday Halyeey kooxda ah una dhaliyay goolal badan intii uu joogay kooxda.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu sii joogo horyaalka premeir League xilli ay chelsea doonayso saxiixiisa si ay ugu sii hayso premier League.

Wargayska TYC Sports ayaa sheegaya in ay chelsea haysato laab faa’iido oo ka caawinaysa in ay ku uulaysato tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga marka uu dhoco heshiiskiisu.

Faa’iidada ugu horysa ayaa ah in uu Aguero doonayo in uu sii joogo premier League waliba uu dareensanyahay in uu sii wadi karo gool dhalinta horyaalka premier League.

Faa’iidada kale ayaa ah in uu Sergio Aguero doonayo in uu xulka qarankiisa u ciyaaro koobka adduunka Qatar 2022 waxana uu dareensanyahay in ay chelsea ka caawin karto arintaas.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*