LA YAAB: Waxa Uu Gareth Bale Samaynayo Oo La Ogaaday Xilli Ay Kooxdiisa Real Madrid La Ciyaarayso Man City

Gareth Bale ayaa ciyaarta Golf-ka ka horaysiiyay kubada cagta waxana uu ka xanaajiyay taageerayaasha Kooxda Real Madrid.

Los Blancos ayaa kulan muhiim ah Man City kula ciyaaraysa kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Zidane ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga 31 jirka ah go’aansaday in uunau soo safrin England todobaadkan isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Kamerooyinka Tv-ga reer Spain ee EL Chiringuito ayaa qabtay Gareth Bale oo Golf ciyaaraya saacado yar ka hor inta ayna Real Madrid la ciyaarin Man City.

Gareth Bale ayaa u muuqda mid aan dan iyo muraad toona ka lahayn kulamada kooxdiisa iyada oo xilli ciyaareedkan marar badan la arkay isaga oo iska hurda xilli ay kooxdiisu ciyaarayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*