La Yaab: Wax Ka Ogow Xiddigaha Xulka Qaranka San Marino, Dhakhtar Ilko, Ganacsade & La Yaabka Kale Ee Xulka Ugu Qiimaha Hooseeya Kubada Cagta.

Xulka qaranka England ayaa xasuuqay xulka San Marino kulankood ugu horeeyay ee is reeb-reebka koobka adduunka Qatar 2022 kaas oo si Rasmi ah u bilowday.

Xulka England ayaa ka hor yimid xulka San Marino oo ah xulka ugu qiimaha hooseeya adduunka kubada cagta iyaga oo xaalka ku adeegayay xulka San Marino.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in xulka San Marino ku jireen kaliya 3 xiddig oo ciyaara kubada cagta halka dhamaan xiddigaha kale la soo uruuriyay lagana soo qaaday shaqooyinkooda caadiga ah.

Marka laag reebo 3-da xiddig ee ciyaara kubada cagta ahna xirfadlayaasha Liiska xiddigaha kale ee xulka San Marino ayaa leh shaqooyin gaar ah waliba aan ahayn xirfadlayaal kubadeed.

Xiddigaha xulka San Marino ayuu mid ka shaqeeyaa qaabaynta Sawirada, halka uu mid yahay caawiye wax soo saar sidoo kale mid kale ka shaqaysto sii iibinta baabuurta sidoo kale waxa ku jira Dhakhtar dhanka ilkaha ah.

Xiddigaha Xulka San Marino ayaa kaliya la isku keenay bishii hore si ay u bilowdaan tababarka si ay isugu diyaariyaan kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Waxa xusid mudan in aanu xulka San Marino wali wax kulan ah badin kubada cagta sidoo kale xulka England ka dhaliyay 37 gool 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tageen xulka San Marino.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*