La Yaab: Juventus Oo Kaliya 2 Milyan oo Euro Ku Heli Kari Lahayd Saxiixa Xiddiga Wacdaraha Dhigaya Ee Erling Haaland.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waraamayaa in ay kaliya Xiddiga Erling Haaland ku heli kari lahayd lacag dhan 2 milyan oo euro sida uu xaqiijiyay agaasimihii hore ee kooxda Juventus.

Agaasimaha kooxda Inter Milan ee Giuseppe Marotta oo ahaa agaasimihii hore ee kooxda Juventus ayaa kashifay in ay Juventus xiddiga Haaland ku heli kari lahayd lacag dhan 2 milyan oo euro.

Giuseppe Marotta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mid ka mid ah shalayntayda ugu weyn ayaa ahayd heshiiskii Haaland”.

“Waxa aan ahaa Agaasimaha Juventus, waxa aan helnay fursad aan 2 milyan oo euro kaga heli karno saxiixa Haaland kaas oo joogay kooxda Molde, waxa uu ahaa heshis dhaw”.

“Haatan suurtagal ma ahan in Haaland lagu arko horyaalka Serie A-da, ma jirto fursad ay kooxaha reer Italy kula soo saxiixan karaan Haaland xagaaga dambe”

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*