La Yaab: Eric Garcia Oo Qaaday Talaabo La Yaab Leh Si Uu Ugu Biiro Barcelona Suuqa January.

Mushaharaxa Madaxweyne ee kooxda Barcelona ee Victor Font ayaa sheegay in uu xiddiga Man City ee Eric Garcia si aad ah u doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo xitaa diyaar u ah in uu si bilaa lacag ah ugu ciyaaro kooxda.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa bilowgii todobaadkan xaqiijiyay in uu filayo in uu xiddiga 20 jirka ah isaga tagi doono Etihad marka uu dhoco heshiiskiisu dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Daafaca reer Spain ee Garcia ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Barceona kuwaas oo lacag yar ku heli kara suuqa January.

Fonte ayaa sheegay in uu daafaca Garcia diyaar u yahay in uu qaab bilaa mushahar ah ugu ciyaaro kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan hadii uu ku biiro kooxda suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*