La Ogaaday: Xiddigii Uu Erik Ten Hag Ka Diiday In Ay Man United La Soo Saxiixato Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka Kooxdiisa ka diiday in uu la soo saxiixdo daafaca kooxda Villarreal ee Pau Torres sida ay sheegayaan wararku.

Maamulka Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Erik Ten Hag u sheegeen in ay u keenayaan daafaca dhexe ee kooxda Villarreal ee Pau Torres si loogu xoojiyo daafaca dhexe.

Laakiin Erik Ten Hag ayaa ka hor yimid arintaas isaga oo ka dalbaday maamulka in ay u keenaan daafaca dhexe ee Lisandro Martinez kaas oo ay haatan kala soo wareegtay Ajax.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Red Devils doonaysay in ay keento xiddiga Torres si ay ugu xoojiyaan kooxda markii uu furmay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Laakiin Ten Hag ayaa u sheegay in uu diiday saxiixa xiddiga reer Spain maadama uu doonayay in loo keeno xiddiga Martinez kaas oo ay United ugu dambayn u keentay xiddiga.

1 Comment

  1. Ino Dido ma ehen ninkan Qadar waye Lkain Doqa macalinka Leh anaga Natijo fican Lee rabna

Comments are closed.