La Ogaaday: Xiddigii Ay Arsenal Doonaysay In Ay Ku Hesho QaybKa Mid Ah Heshiiskii Alexis Sanchez Ugu Biiray Man United Oo La Ogaaday Mana ahayn Mkhitaryan

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay markii hore dalbatay xiddiga Anthony Martial in uu ka qayb noqdo heshiis uu Alexis Sanchez ugu biiray man United suuqii Janury 2018.

Si kasta ha ahaatee Red Devils ayaa diiday dalabka Arsenal iyaga oo u soo bandhigay xiddiga Henrikh Mkhitaryan kaas oo ka qayb noqday heshiiskii Alexis Sanchez.

Xiddiga reer Armenia ayaa si toos ah uga tagi kara kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Roma xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa Sanchez u wayday Man United suuqii January bilo ka hor kadib markii uu u dhawaa in uu ku biiro kooxda Man City.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay Arsenal markii hore dalbatay xiddiga Martial si uu uga qayb noqdo heshiiska Sanchez iyada oo uu Arsene Wenger ku kalsoonaa in uu Xiddiga reer France mari doono wadadii Henry ee Arsenal.

Advertisements

Laakiin Man United ayaa ka diiday iyada oo u soo bandhigtay xiddiga Mkhitaryan kaas oo dhankiisa ku dhibaatoonayay kooxda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*