La Ogaaday: Wixii Ay Pogba & Van de Beek U Sheegeen Xiddiga Khadka Dhexe Ee Istanbul Basaksehir Deniz Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Istanbul Basaksehir ee Deniz Turuc ayaa la hadlay laba xiddig oo kooxda Man United ah kadib markii uu dhamaaday kulankii Arbacadii ee champions League.

Deniz ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankaas waxana uu ciyaarta kadib la hadlay xiddigaha kooxda Man United ee Donny van de Beek & Paul Pogba.

Wargayska Fanatik ayaa sheegaya in uu Paul Pogba u sheegay Deniz” Maanta kumaanu jirin qaab ciyaareedkeenii ugu fiicnaa laakiin sidoo kale waad fiicnaydeen”.

Van de Beek ayaa sidoo kale la hadlay xiddiga Deniz isaga oo u yidhi”Maanu filayn in aad sidan u ciyaarteen, waxa aad ahaydeen kooxda fiican”.

Man United ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Istanbul Basaksehir iyada oo guuldaradaas ahayd midii ugu horaysya ee champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*