La Ogaaday: Wakhtigii Uu David Alaba Ogolaaday In Uu Ku Biiro Real Madrid Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Bayern Munich ee David Alaba heshiis la gaadhay todobaadkii 2-aad ee suuqii January sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedka waxana uu isaga tagi doonaa kooxda Bayern Munich isaga oo koox cusub u ciyaari doona xilli ciyaareedka dambe.

kooxda Real Madrid ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga reer Austria laakiin ilaa haatan ma jiraan wax heshiis ah oo lagu dhawaaqay iyada oo kooxo kale lala xidhiidhinayo xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu daafaca Alaba ku soo biiri doono kooxda Real Madrid xagaaga laakiin aan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan lagu dhawaaqi doonin heshiiska xiddiga.

Isla warayska ayaa sheegaya in Real Madrid iyo Alaba isla meel dhigeen Heshiis bishii January ee bilowgii sanadkan markaas oo uu furnaa suuqii January ee la soo dhaafay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*