La Ogaaday: Wakhtiga Ay Arsenal Shaqada Ka Caydhin Doonto Mikel Arteta Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu kaliya haysto 10 kulan oo xilli ciyaareedka dambe ah si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa Arsenal.

Shabakada talkSPORT Ayaa sheegaysa in mustaqbalka fog ee Mikel Arteta ee kooxda Arsenal uu shaki weyn ku jiro.

Gunners ayaa noqotay koox bartamaha kala saraynta premeir League ah halka fursad ee ay ku badbaadin karaan xilli ciyaareedkooda ugana qayb gali karaan tartamada yurub waa ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa guul 2/1 ah kala kulantay Villarreal kulankii lugtii hore ee Semi-final-ka waxana ay u badantahay in ay Man United kaga hor tagi doonto Final-ka hadii ay dhaafaan Villarreal.

Ilo wareedyo ku dhaw kooxda ayaa sheegaya in ay maamulka Arsenal tababare Mikel Arteta siin doonaan fursad uu ku horumariyo kooxda waliba ay suuqa xagaaga ku taageeri doonaan.

Laakiin hadii uu natiijooyin fiican heli waayo 10-ka kulan ee ugu horeeya horyaalka xilli ciyaareedka dambe waxa uu waayi doonaa shaqadiisa.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*