La Ogaaday: Sergio Ramos Oo Iska Diiday Dalab Weyn Oo Uu Ka Helay Arsenal Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin PSG & Sababta Oo La Ogaaday.

Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu ugu saxiixi lahaa Arsenal ka hor inta uusan dooran inuu ku biiro Paris Saint-Germain oo uu qaab xor ah ugu biiray.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa ka tagay Real Madrid kadib 16 sano oo uu joogay kooxda kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Ramos ayaa heshiis 2 sano ah u saxiixay kooxda PSG laakiin sida laga soo xigtay Goal daafaca ayaa helay dhawr dalab oo ay ka mid tahay kooxda Arsenal.

Wararka ayaa sheegaya in uu Mikle Arteta doonayay in uu xiddiga ay isku dalka yihiin ku qanciyo in uu kula biiro Arsenal iyaga oo u soo bandhigay heshiis 2 sano ah oo uu sanadkii ku qaadanayo 15 milyan.

Laakiin daafaca dhexe ayaa iska diiday in uu ku biiro Arsenal sabab la xidhiidha in uu doonayay in uu si joogto ah uga ciyaaro tartanka champions League oo ayna Arsenal ka ciyaarin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*