LA OGAADAY: Sababtii Uu Jurgen Klopp Ugu Dhaqaaqi Waayay Saxiixa Jadon Sancho Suuqii Xagaaga Oo La Ogaaday

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uuna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho sabab la xidhiidha in uu filayay in uu xiddigu ku biiro Man United.

Red Devils ayaa si joogto ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund xagaagan oo dhan, laakiin ugu dambeyntii waxa ay ku fashilmeen in ay dhamaystiraan saxiixiisa sabab la xidhiidha qiimaha ay Borussia Dortmund dalbanaysay oo aad u badnayd.

Liverpool ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay saxiixa Jadon Sancho xilli ay suuqa ka raadinayeen xiddig kale oo garabka ka ciyaara laakiin Reds ayaa u dhaqaaqday saxiixa Diogo Jota.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in sababtaii ay Liverpool iyo Klopp uga hadheen baacsiga Jadon Sancho in ay ahayd in ay filayeen in uu xiddigu ku biiro kooxda Man United.

Liverpool ayaan awood u lahayn in ay bixiso lacagtii ay dalbanaysay United kulana tartami karto dhanka dhaqaalaha sidaas darteed filaysay in uu xiddigu ku biiro Man United.

Sii Akhriso: Dadka Ku Nool Magaalada Buulaburde Oo Ka Cabanaya Dhaqan & Xeerar Ay Ciidamada Djibouti Kula Dhaqmaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*