La Ogaaday: Sababtii Ayna Arsenal Ugu Dhaqaaqin Saxiixa Emerson Royal Oo La Ogaaday

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga Emerson Royal sabab la xidhiidha in uu tababaraha Mikel Arteta dareemay in uusan ku soo bixi doonin qaab ciyaareedka kooxdiisa.

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirtay kooxda Barcelona si ay u hesho saxiixa xiddiga 22 jirka ah ka hor intii ayna Tottenham dhamaystirin saxiixa xiddiga.

Waxa la sheegayaa in ay Arsenal isaga hadhay baacsiga xiddiga kadib markii uu Arteta shaki ka keenay tayada xiddiga sida laga soo xigtay wargayska The Athletic.

Wararka ayaa sheegayay in ay Arsenal doonaysay in ay xiddiga Royal ku badalato Hector Bellerin kaas oo dhankiisa ku biiray kooxda Real Betis.

Ugu dambayn Arsenal ayaa la soo saxiixatay xiddiga Takehiro Tomiyasu kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Bologna kuna xoojisay daafaca kooxdeeda suuqii xagaaga.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*