La Ogaaday: Sababta Ay Arsenal Ugu Fashilantay Saxiixa Dominik Szoboszlai Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa k fashilantay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai kaas oo iska diiday Gunners kuna biiray kooxda RB Leipzig.

Mikel Arteta ayaa doonayay in uu xiddiga Dominik Szoboszlai keeno kooxdiisa suuqa January si uu ugu xaliyo dhibaatada kubad samaynta haysata kooxda.

Laakiin Gunners ayaa ku fashilantay in ay hesho saxiixa xiddiga reer Hungary isaga oo ugu dambayn ku biiray kooxda RB Leipzig.

Wargayska Athletic ayaa sheegaya in uu Agaasimaha Farsamaha Arsenal ee Edu ka shakisanaa awooda Xiddiga reer Hungary sidaas darteed uu isaga hadhay baacsigii uu ugu jiray xiddiga.

Edu ayaa ka shakisnaa in uu xiddiga Szoboszlai qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigi doono kooxda hadii uu ku soo biiro sidaas darteed uu uga hadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*