La Ogaaday: Real Madrid Mise Barcelona? Lautaro Martinez Oo Isk Diiday Koox Weyn Oo Spain Ah.

Madaxweynaha Kooxda Reer Argentine Racing Club ee Victor Blanco ayaa sheegay in uu weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Real Madrid markii uu da’yarka ahaa.

Lautaro Martinez ayaa kooxda Inter Milan kaga soo biiray Racing xagaagii 2018 kadib saamayn weyn ku yeeshay kooxda ku ciyaarta San Siro.

22 jirka ayaa 16 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Man City, Barcelona Iyo Real Madrid.

Laakiin Lautaro Martinez ayaa ahaan lahaa xiddig Real Madrid ah hadii uuna horay isaga diidin ku biirista Los Blancos.

Madaxweynah kooxda Racing Club oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Real Madrid ayaa soo dalbatay Lautaro Martinez markii uu da’yarka ahaa waxana ay ku doonayeen heshiis amaah ah oo ay dookh u haystaan in ay si toos ah ula wareegaan”.

Advertisements

“Laakiin Lautaro Martinez ayaa iska diiday dalabkaas sababta oo ah waxa uu doonayay in uu guulo la gaadho Racing ka hor inta uuna ka tagin kooxda waxana uu go’aansaday in uu iska sii joogo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*