LA OGAADAY: Pierre-Emerick Aubameyang Oo Isku Dayay In Uu Si Lama Filaan Ah Ugu Biiro Koox Premier League Ah Suuqii January.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dayay inuu ku qasbo kooxdiisa in ay ka iibiso Chelsea suuqii January laakiin heshiiska ayaa dhici waayay sabab la xidhiidha dalabkiisa mushaharka badan darteed.

Aubameyang ayaa wajihi doona Chelsea kulan ka tirsan FA Cup-ka Finalka tartanka xilli ciyaareedka 2019/2020.

Laakiin waxa uu suuqii January doonayay in uu ku biiro Chelsea isagana tago Arsenal.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu xiddigu la xidhiidhay maamulka Blues una sheegay in uu doonayo in uu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

Laakiin mushaharkiisa oo aad u badnaa ayaa fashiliyay heshiiska.

Xiddiga reer Gabon ayaa doonayay in uu noqdo xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kooxda taas oo keentay in ay chelsea diido dalabkiisa.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*